Gabadh kalkaaliso ah oo Booliska dalka Maraykanku garbaduub u xidhay waa maxay sababtu?

Dhacdadan oo ka dhacday jaamacadda dhakhtarka University of Utah Hospital, ee dalka Maraykanka, magaalada Salt Lake City, ee gobolka Utah.

Kal-kaalisadan oo magaceeda la yidhaahdo, Alex Wubbels, ayaa diiday in ay dhiig ka qaado, qof galay shil gaadhi oo kaddibna miyir-beelay.

Haweenaydan oo iyadu ku andacoonaysa, in sharciga dhakhtarku dhigayo, in qofku yahay qof la soo qabtay, oo warrant haysta, amma in uu ogol yahay in dhiig laga qaado.Sharciga dhakhtarku ma dhigayo qofkan dhiig halaga qaado si loo ogaado,in uu cabsanaa ama daroogo ku jirto dhiigiisa.

Waxa jira heshiis ay dhakhtarka iyo saldhigga boolisku ay wada galeen oo qeexaya habka dhiigga looga qaadayo qofka la soo qabto. Dhacdadan ayaa sababtay in taliyiii ciidanka booliska ee Salt Lake City, raalli-gelin ka bixiyo, shaqadiina laga fadhiisiyo askarigii dhacdadan foosha xun ka sameeyey dhakhtarka gudihiisa. Waxaanna ku socodta ninkaa booliska ah  baadhitaan dhacdadan lagu baadhayo sida ay wax u dhaceen.

Bal nala wadaag akhristoow dhacdadan.

 

Bahda Mareegta

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

2 Sep 2017

 

 

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *