Curiyaha Lithium ee biyaha tubbada oo hoos u dhigaya cudurka asaasaqa

http://www.bbc.com/somali/war-41048233

25 Ogos 2017

Curiyaha Lithium ee biyaha tubbada oo hoos u dhigaya cudurka asaasaqa

 

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dadka biyaha ay cabayaan ku darsada in badan oo ka mid ah curiyaha lithium-ka, waxay u muuqataa inay yar tahay khatarta ay ugu jiraan cudurka asaasaqa, sida ay sheegayaan baareyaal u dhashay dalka Denmark.

Maaddada Lithium ayaa si dabiici ah looga helaa biyaha tuubada, inkastoo inta laga helo ay kala duwna tahay.

Daraasadda oo lagu sameeyay Jaamacadda Copenhagen ayaa lagu tijaabiyay taariikhda caafimaad ee ilaa 73,731 oo qof oo Denmark u dhashay oo cudurka qaba, iyo 733,653 oo qof oo aan cudurka qabin, waxayna khubarradu sheegeen inay daraasaddu ka shanqarisay hab looga hortago cudurka.

Biyaha tubbada ee 151 deegaan oo dalkaasi ka mid ah ayaa kaddib la tijaabiyay.

Natiijada ka soo baxday ayaa lagu sheegay in heerka curiyaha lithium ee inta u dhaxeysa 5.1 iyo 10 micrograms litarkiiba, inay kordhisay khatarta asaasaqa boqolkiiba 22% marka loo barbardhigo heerka ka hooseeya shan micrograms litarkiiba.

Si kastaba, dadka caba biyaha ay ku jiraan inta ugu badan curiyaha lithium (inta ka sarreysay 15 micrograms litarkiiba) ayaa khatarta ay cudurka ugu jiraan ay hoos uga dhacady 17%.

Curiyaha Lithium ayaa lagu yaqaannaa inuu saameeyo maskaxda waxaana loo isticmaalaa daaweynta qaar ka mid ah cudurrada ku dhaca maskaxda.

Xigasho: BBC Somali

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

Mareegta Caafimaadka

www.caafimaadka.com

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *