Ha dhayalsanin farriintan mihiimka ah

Farriin mihiim ah!

  

By: Siciid Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

Haddii aad deggen tahay ama aad ku nooshahay dalka Sweden, oo aad sharci leedahay. Waxa ay Hay´adda arrimaha caafimaadka u qaabilsan dalka Sweden.

The National Board of Health and Welfare (Socialstyrelsen)

The National Board of Health and Welfare (Socialstyrelsen) is a government agency in Sweden under the Ministry of Health and Social Affairs.

Qaybteeda qaabilsan xubno ugu deeqista, in uu qofku xubno ugu deeqo amma xubnaha jidhkiisa la isticmaali karo

The Council for Organ and Tissue Donation (Donationsrådet) is an advisory board to the National board of Health and Welfare (Socialstyrelsen)

Waxa ay dadka ku dhiirri-gelinaysaa, in ay dadku isdiiwaan geliyaan, si loo helo dad xubnahooda ugu deeqa. Waxa sannadba sannadka ka danbeeya sii kordhaysa tirada dadka ah ee ubaahan xubno (organs)

 

Qof dhintay oo jidhkiisii oo dhan ugu deeqay in la isticmaalo

Waxa dalka Sweden laga bilaabay sannadku markuu ahaa 1996, in dadku iska diiwaan geliyaan hay´adda u qaabilsan arrimaha xubno ugu deeqista jidhka ee magaceeda la yidhaahdo (Donationsrådet) amma (The Council for Organ and Tissue Donation). Waxaa wakhtigaas jiray, in marka uu qofku iska diiwaan gelinayo hay´addan, uu laba arrimoodd mid uun uu dooranayo in uu  calaamadiyo .

 

1- Waxa aan ugu deeqayaa in xubnahayga jidhka la isticmaalo

2- Ma doonayo in aan ugu deeqo xubnahayga

Intaa kaddib waxa qofka loo soo tuurayaa kaadh yar oo ay ku qoran qofka da´diisa iyo saxeexii uu ku ogolaanayey amma ku diidayey deeqista xubnihiisa jidhka.

Kaadhkaasi waa in uu ugu jiraa qofka is diiwaan geliyey shandada yare lacagta lagu ridto.  Haddaba maxaa dhacaya haddii aannu qofku is diiwaan gelin amma aannu diiwaanka ku jirin? Qofkii  aan isdiiwaan gelin amma aan haysan kaadhkaas amma aan ku jirin diiwaanka digitalka ah. Macnuhu waxa weeyi waan ogollahay in la isticmaalo  xubnahayga jidhka.

Haddaba waxa aan dadka ku kula talinayaa, in aannay arrintaa dhayalsan. Qof kasta, amma keligaa ahow amma  reer leh, xaas iyo carruur.

Wixii warbixin ah kala xidhiidh.

http://www.socialstyrelsen.se/

http://www.livsviktigt.se

 

By: Siciid Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

8 ogos 2017

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *