Tukaano sun iibinaya 

Tukaano sun iibinaya

Tan iyo markii burburku dhacay waxa baa’bay oo faraha ka baxay nidaamkii yaraa ee jiray taas oo keentay in kantaroolkii wax walba lumaan oo la waayo cid iska xilsaarta waxyaabahaas dhibtu soo gaadheen. Waxyaabaha dhibtu soo gaadhay waxa ka mid ah adeegii caafimaadka waxa la waayey shaqaalihii aqoonta caafimaad lahaa sida dhakhaatiirta, kalkaaliyaasha, umulisooyinka i.w.m waxaanay in badan oo ka mid ahi u qaxeen dibadda, halka in kalena ay dhinteen. Taasina waxay keentay in dad badan oo aan aqoon u lahayn xirfadaha caafimaadka ay ka faa’iidaystaan fursadahaas oo ay dadkaasi sheegteen dhakhaatiir iyo shaqaale kale oo caafimaad waxaanay furteen goobo caafimaad iyo wax loogu yeedho ”farmasiiyo” oo runtii ah tukaano ama bakhaaro lagu hayo dawooyin aan la garanayn waxay daweeyaan iyo waxay sumeeyaan. 

In badan oo inga mid ah ma fahansana macanha farmasii iyo waxa looga baahan yahay qofka furanaya iyo qalabka uu u baahan yahay farmasigaasi, farmasiga xitaa ma furan karo qof dhakhtar caadiya oo aan aqoon u lahayn dawooyinka, cilmiga dawooyinka si gaara ayaa loo bartaa oo ay khaas u tahay dawo iibiyaha ama farmasii haystaha. Sidaas darteed waxa farmasi furan kara ama mas’uul ka noqon kara qofka cilmiga dawooyinka bartay ee loo yaqaano ” pharmacist” waxa sidoo kale loo baahan yahay qalab lagu daryeelo dawooyinka sida talaagado ama qaboojiyayaal si ay dawooyinku u helaan heer-kul u qalma waxa iyana muhiim ah in la helo qalabka lagu qiyaaso dwooyinka waayo waxa jira dawooyin u baahan in la iskugu daro bukaanka inta aan laga iibin waayo bukaanku isagu ma garanayo, dawooyinkan la isku darayo wuu kooban yahay wakhtiga ay jirayaan oo dhar todobaad ka dib way xumaanayaan, waxa iyana loo baahan yahay khaanado iyo rafaf ku haboon dhigida dawooyinka waxa iyaduna laga maarmaan ah in ay noqoto meeshaa dawooyinka lagu iibiyo meel aad u nadiifa.

Farmasii furashada oo aad u fudud

Laakiin imika sida uu xaal yahay waxay tahay in qof walba oo lacag haysa furan karo farmasii, dhakhtar iyo sheybaadhiiste ka noqon karo taas oo keentay in farmasiiyadii loo furto sida tukaanada iyadoo aan la xeerinay naftii dadka iyo khatarta ay ku gali karto dawo aan ku haboonayn cudurkiisa, da’diisa, miisaankiisa ama ah dawo wakhtigeediiba uu dhacay oo waxa kaliya ee uu eegayo iibiyuhu tahay shilimaadka ka soo galaya halkaas. Waxa iyaguna caawiya dhibaatadaas qaar badan oo ka mid ah dhakhaatiir ku sheega oo intay bukaha u qoraan dawooyin aad u tiro iyo nooco badan taas oo loo sameeyey halhays la yidhaahdo ”ila qabo” oo loo jeedo bacda dawooyinku ka buuxaan ma qaadi karee ila qabo. Dhakhaatiirtaasi ma sameeyaan wax baadhitaan sheybaadh ama mid kale oo buuxa waxaanay u diraan ama u tilmaamaan bukaha farmasiiyaal ay iyagu leeyihiin ama ay heshiis ka dhaxeeyo iyaga iyo mulkiilayaasha tukaanadaa iibinaya sunta.

Dawooyinka iyo waxyeelada soo gaadha 

Dawooyinkaas oo iskugu jira kuwa dhacay, kuwo yaalay heer-kul aan ku haboonayn sanado iyo kuwo aan shaqaba ku lahayn cudurka ku haya oo hadii lagu siiyo dawo bakteeriyadda disha adigoo waxa ku haya yahay feyrus, fangas ama dulin kale ba. Waxa iyana dhibaatadaas qaybtooda leh bukaanka ama macaamiisha oo waxaad arkaysaa iyagoo intay farsamiga yimaadaan miisanaya ama daldalanaya dawooyinkii oo waxaad la yaabaysaa markay iibsanayaa oo ay leeyihiin iga iibi intaas oo kartoon oo ah dawadii durayga, calool xanuunka, laab dilaaca, dhiig karka i.w.m isagoo aan u tagin dhakhtar oo uu sidaas ku isticmaalo dawooyinkaas kala duwa oo ku darsoo waxa uu isna wax ka siinayaa dawooyinkaa qof kasta oo isna ka cabanaya waxa haya iyagoon ogey in dawooyinka aan la kala qaadan waayo cudurrada kala duwan ee labadan qof kala haya hadana labadan qof waxay ku kala duwan yihiin da’da ,miisaanka, haweenay uur leh, mid nuujinaysa iyo ilmo sabi ah.

Talaabooyinka wax lagu hagaajin karo 

Marka hore waa in uu qofka farmasi furanaya uu aqoon u leeyahay ama uu meesha u dhiibo qof aqoon u leh, ta kale waa inuu dareemaa in ay arintani tahay mas’uuliyad weyn oo u dhaxaysa nolol iyo geeri Ilaahayna (SW) wuu waydiin doonaa nafta uu wax yeelay ama uu sumeeyey. Marka kale waxa uu mas’uuliyad aad u weyn ka saaran tahay maamulka halkaa ka jira ee ka talinaya in ay tallaabo ka qaadaan dadka dadka sunta ka iibinaya ee qudha kaga jaraya waana in ay baadhaan in uu leeyahay qofkan xirfadan sheeganaya aqoonteedii iyo khibradeediiba, ilaaliyaan tayada dawada meesha lagu iibinaya iyo sida meel ku haboon loo dhigayo, waana in la koobo tirada farmasiiyada tukaandii iyo maqaaxiyihii ka batay oo lagu soo koobo in yar oo haysata aqoontii iyo liisamo aad loo adkeeye. Waxa iyana haboon in maamulku sameeyo hay’ad maamusha, daba gasha oo baadha nooca dawooyinka la soo galinayo wadanka, tayadooda, tiradooda, meesha lagu xafidayo in laga helo heer-kul ku haboon, in ay dhaceen iyo in kale iyo cudurrada loogu talo galay in ay daweeyaan.

C/raxmaan Xaashi Cabdi
Bahda Caafimaadka.com

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *