KANSARKA

KANSARKA
Unugyada jidhku waxa mar walba ku dhaca isbadel kuwaas oo ah in unugyadii hore lagu badalo kuwo cusub, waxaanay ku dhacdaa habka loo yaqaano qeybsanka unugga. Waxaana jira hab lagu kontroolo marka uu bilaabmayo ama dhamaanayo qeybsanka unugu si aanay u dhicin wax khalada ama aanay unugu iskaga samynin unugyo cusub oo dheeraad ah oo aan loo baahnayn. Hadii uu dhaawac gaadho ama khalkhalo habkaas kontroola qeybsanka unugga waxa dhacaya qeybsan unug oon ahayn sidii caadiga ahaa ama sidii loogu talo galay waxaana dhalanaya unugyo aan loo baahnayn oo cusub kuwaas oo marka danbe noqonaya sida burada oo kale.

Buradanina waxay ku samaysmi kartaa inta badan unugyada iyo orgaanada jidhka oo dhan waxaana loo kala qeybiyaa burada:
1. Buro (benign) aan khatar wayn lahayn, unugyada ay ka samaysan tahay waxay u egyihiin unugyada caadiga ama caafimaadka qaba ee jidhka kumana fidaan jidhka intiisa kale, waana laga daweeyaa hadii ay qofka khatar ku tahay.
2. Buro (malignant) waa mid khatar ah oo ay unugyadu u qeybsamaan si aan kontrool lahayn oo aan joogsi lahyn. waxaanay ku faafaan jidhka iyagoo u raacaya dhiigga waana ta marka danbe keenta Kansarka.
Kansarku waa magac guud oo ka dhaxeeya ilaa 100 cudur oo ku dhaca unugyada jidhka waxaanay ka wada siman yihiin isbadel ku yimi unugyadaas kuwaas oo sababa qeybsanka unugyada oo u socda si aan la kontrooli karin. Waxaana loogu magac daraa nooca kansarka kolba halka uu ka soo bilaabmo oo tusaale ahaan haduu ka soo bilaabmo sambabada waxa la odhanayaa kansarka sambabada.
Maxaa sababa kansarka?
Cidna ma garanayso waxa keena qeybsanka aan caadiga ahayn ee ku dhaca unugga kaas oo keena kansarka, laakiin waxa la isku raacay waxyaabahan in ay yihiin kuwa ugu badan ee keena:
1: cabitaanka tubaakada ha ahaato sigaar, buuri iyo badeecad.
2: iftiinka cadceeda oo maqaarka dhaawaca.
3: shucaaca raadyoo aktifka.
4: Feyris.
5: dhaxal, hadii qoyskiinu lahaa oo aad ka dhaxasho.
1: Tobaakada: cabitaanka tobaakada noocyadeeda kala duwan waxay keentaa noocyo badan oo kansarka sida kansarka sambabada, kansarka hunguriga, kansarka kaadi mareenka iyo kansarka ganaca.
2: Iftiinka cadceeda: qofku marka uu si aan taxadir ku jirin is kugu dhigo fallaadhaha cadceeda waxa ku dhaca kansarka maqaarka, noocanina waxa uu ku badan yahay dadka maqaarka cad.
3: Shucaaca raadyaw aktifka: shucaaca ka soo baxa warshadaha raadyaw aktifka waxa uu keenaa kansarka sambabada waxaana ka mid ah shucaacii ka soo baxay shilkii ka dhacay warshadii Shaarnoobil ee dalka Ruusha.
4: Feyris: kansarka qaarkii waxa keena feyris sida kansarka beerka, kansarka dhiigga iyo kansarka ilmo galeenka.
5: Dhaxal: kansarka qaarkii waa la kala dhaxlaa oo hadii qoyskiinu lahaa nooc kansar ah waa laga yaabaa in uu adigana kugu dhaco.
Noocyada kansarka:
• kansarka sambabada.
• kansarka naasaha.
• kansarka xiniyaha.
• kansarka dhiigga.
• kansarka mindhicirka.
• kansarka kaadi kaysta.
• kansarka ilmo galeenka.
• kansarka maqaarka.
• kansarka afka.
• kansarka maskaxda iyo dareen-wadayaasha.
• kansarka hungriga.
• kansarka ganaca.
Astaamaha lagu garto
Qofku inta hore ma dareemo ama ma arko wax calaamado ah taas oo keenta in uu qofku u tago dhakhtar wakhti uu soo ritay cudurku, calaamdahan ayaa lagu gartaa:
• xumad mudo dheer ku haysa.
• dhiig lagu arko kaadida, saxarada iyo mataga.
• nabar aan ku bogsan.
• qufac aan kaa tagin dhawr todobaad oo aan sabab lahayn.
• calool istaag ama shuban joogta ah.
• wax liqida oo kuga adkaata iyadoo aanu kugu dhicin cuno xanuun.
• miisaanka oo hoos u dhaca bilaa sabab.
• cuntada oo aad ka go’do.
• buro aad ku aragto naasaha, xiniyaha, kilikilooyinka iyo cunaha.
sidee loo baadhaa?
• Baadhtaan jidheed: jidhka oo uu dhakhtarku ka baadho buro sida maqaarka, cunaha, iyo kilinkilooyinka.
• Baadhitaan x-rays: baadhitaanka raajada waa sawiro laga soo qaaday gudaha jidhka sida lafaha oo lagu arki karo isbedalka ku dhacay qaybahaas.
• Baadhitaan ultrasound: waa hab shucaacyo cod ah ay isku badalayaan sawiro kuwaas oo dhakhtarku ka arki karo isbadelka ku dhacay unugyada.
• Baadhitaan endoscopies: kaas oo dhakhtarku ku eego gudaha jidhka halkaas oo uu ku arki karo isbadelka ku dhacay unugyada.
• Baadhitaan unug: kaas oo laga soo jaro xubin yar oo jidhka si loo eego isbadel ku dhacay unugaas.
• Baadhitaan sheybaadheed: waxaa laga soo qaadayaa bukaha dhiig, kaadi, dheecaan laga soo qaaday cunaha iyo saxaro.
Maxaa lagu daaweeyaa?
Daaweynta Kansarku waa mid hawl badan qaadatana wakhti dheer. Waxaa la isku dayaa in qofka laga daaweeyo ama laga khafiifiyo. Waxaa jira habab kala duwan oo loo daaweeyo waxaana ka mid ah:
• Qaliin (surgery): lagu sameeyo oo lagaga jaro unugyada kansarka.
• Kiimiko (chemotherapy): waa kiimiko loogu daro dawo taas oo joojinaysa qeybsanka aan caadiga ahayn ee unugga iyo waliba in ay disho unugyada kansarka.
• Shucaac (radiation therapy): waa shucaac lagu furu unugyada kansarka si loo dilo ama loo xakameeyo.
• Ku lid hormoono (anti-hormones): waxa qofka la siinayaa ku lid hormoono si loo khalkhaliyo hormoonada ay u baahn yihiin unugyada kansarku.

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *