Dhibaatooyinka qaadka qaad

Dhibaatooyinka qaadka

Qaadku waxa uu yahay shay dadka geeska Afrika ay aad u isticmaalaan gaar ahaan dadka soomalidu waxaanu leeyahay taariikh dheer sida la sheegay waxa uu ka soo bilaabmay dalka Itoobiya oo uu markii danbe uga sii gudbay Dalal badan oo ay ka mid yihiin Yamen, Soomaaliya, Kiiniya, Taansaaniya iyo meelo kale.

Taarikhdaa hore dadku waxay u arkayeen in uu qaadku leeyahy faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin in lagu daweeyo cuduro badan, in lagu soo jeedo si Quraank iyo cibaadada kaleba looga faa’iidaysto. Ilaa imika waxaad moodaa in loo hayo maamuus gaara sida iyadoo lagu daro casuumadah cuntada iyo cabitaanka  marduufyo qaada, sidoo kale munaasabado badan waxa la keenaa  jawaano qaada sida meherka ama guurka, garta, magta iyo fadhiyada falanqaynta arimaha siyaasadda. Taasna waxa aad ka dheehan kartaa hal hasta caan baxday ee ah ”arintaa waa in loo qayilaa”.

Qaadku siday ay sheegeen saynisyahano baadhay waxa uu ka kooban yahay intiisa badan laba maado oo kala ah Ketanon iyo Katin waana maadooyin laga helo maandooriyaha loo yaqaan amfetamin, maadooyinkanina waa kuwa keena mirqaanka iyo mala awaalka qofka ku dhaca waxaanay aad u saameeyaan maadooyinkani qofka marka uu qaadku darayga yahay oo haduu qaadku baarixi noqdo saamayntoodii hoos ayey u dhacysaa taasaana ku kalifta dadka qaadka ka ganacsada in ay macmiishooda ku gaadhsiiyaan qaadka sida ugu dhakhsaha badan, waana halka uu qaad-qamahu ka yidhaado qaadku waxa uu ahaa baarixi oo imuu gaadhin. Waxa kale oo qaadka ku jira maadooyin kale oo badan sida, tunine, tiamin, niacine, riboflavin, caroteen iyo maadooyinka kale oo ah kuwo lagula dagaalmo cayayaanka kuwaas oo la isticmaalo marka qaadku baxayo si looga hor tago cayayaanka, kuwaas oo dhamaantood khatar ku ah aadamaha.

Dhibaatooyinka caafimaad

Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadka way tiro badan yihiin waxaana ka mid ah:

  • Dhiig kar
  • Wadna garaac
  • Hurdo la’aan
  • Cunto xumo
  • Calool istaag
  • Yalaalugo, lalabo
  • Madax xanuun
  • Nafaqo daro
  • Gaastari
  • Khalkhal xaga maskaxda ah
  • Awooda raganimada oo daciifta
  • Xanuun ku dhaca, ciridka, afka iyo hunguriga
  • Ilkaha oo si fudud uga dhaca ama daata
  • Qofka oo uu bato dagaalkiisu iyo cadhadiisu
  • Manida oo kaadida soo raacda
  • Ilmo miisaan yar oo ay dhasho gabadha qaadka cunta
  • Caanaha naaska oo ka yaraada gabadha qaadka cunta

 

Dhibaatooyinka kale ee caafimaad waxa ka mid ah qofka oo saacado badan meel uun  fadhiya oo aan dhaqdhaqaaq samynayn taas oo keeni karta caafimaad daro ku dhacda xubnaha jidhka iyo xitaa dheefshiidka jidhka, waxa kale oo ay keentaa isla qayilidu in la is qaadsiiyo cudurada lagu kala qaado neefta ama hawada sida cudurka qaaxada.

Waxa la cabaa sigaar aad u badan wakhtiga la cunayo qaadka, kaas oo isna dhibaatadiisa leh.

Dhibaatooyinka dhaqaale

Qofka qaadka cunaa waxa ka baxa maal badan oo aan ku boobnayn kiisa oo kaliya ee waxa uu marar badan ku qasban yahay in uu saaxiibadii u qaado, kharashkaas ka baxaya intuu doono ba ha la eekaado ee waa joogto maalin kasta kaa baxaya sida raashinka, taas oo sababta in wadankii uu ka baxo aduun ah malaayiin doolar bil kasta.

Dhibaatooyinka bulsho

Waxa aan wada aragnaa in sababta qaadk ay qoysas badni ku kala tageen markii aabihii reerku dayacay reerkiisii xag shaqo iyo xag dhaqaaleba, waxa dhacda in caruurta waalidkood qaad- qamax  yihiin ay caruurtaasi ka hadhaan caruurtii qayrkooda ahaa xag waxbarsho, asluub iyo nafaqo.

Qaadku waxa uu keenay in dumarkii soomaaliyeed ee Diin iyo dhaqan laha uu dibada u soo saaro oo uu fadhiisiiyo saxaarad jaad agteed taas oo ay ku dhacaan wax kastoo oo dhibaato ah oo ay ugu horayso in aany kala soocnayn ama kala xishoonin ragga iyo dumarku, waxaanay marar badan keentaa in lacagta jaadka la isku qabsado waa marka uu ninka qaad-qamaxu bixin waayee oo ay gabadhii saxaarada haysatay ay si aflagaadeeyaan ama gacanba isku qaadaan qaad-qamaxii. Waxa intaa u dheer boodhka ama siigada, cadceeda, roobka oo kuwada dhacay marwadaas.

Waxa uu keenaa qaadku xashiish badan oo ay ka mid yihiin caleenta muuska ee lagu soo duubo, baacaha lagu qaato, garaabada isaga ka soo hadha I.W.M.

Maadaama qofka qaadka cunaa uu wakhtigiisu ku dhamaado mar uu qayilayo mar uu mirqaansan yahay iyo mar uu hurdo waxa dhaafaya hawlihii aduun oo dhan sida shaqadiisii oo uu gudan waayo iyo cibaadadii uu gudan lahaaba.

Waxa soo diyaariyey: C/raxmaan xaashi Cabdi

Bahda mareegta caafimaadka

www.caafimaadka.com

Editor@caafimaadka.com

caafimaadka@gmail.com

Kommentera

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *